Midowga Yurub oo digniin adag u jeediyay Hoggaamiyaasha Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa hanjabaad culus u jeediyay Hoggaamiyaasha Soomaaliya oo weli ku muransan Arrimaha doorashooyinka dalka.

War Qoraal ah oo xalay ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrel, ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay sameeyaan isu tanaazul horseeda hannaan doorasho oo deg deg ah iyo in si nabad ah talada loogu kala wareego iyadoo la raacayo heshiiskii 17-ki September.

Midowga Yurub ayaa sheegay, in isfaham la’aanta hadda ka dhex-jirta hogaamiyaasha Soomaalida ay si weyn dib ugu dhigeyso xawaaraha isbaddalka ay sida dhaqsaha ah ugu baahanyihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa loogu baaqay in ay ixtiraamaan mas’uuliyadda ka saran shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

PUNTLAND POST