Madaxweyne Deni iyo safiirka Turkiga oo wada-hadal gaar ah yeeshay

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan gaar ah kula yeeshay khadka Zoom-ka safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Madaxweyne Deni, ayaa Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka u xaqiijiyay wada-hadalka dhexmaray isaga iyo safiirka Turkiga.

Siciid Deni, wuxu sheegay in isaga iyo Danjire Mehmet Yilmaz ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaanna Arrimaha doorashooyinka.

Wada-hadalka labada mas’uul ayaa ku soo beegmay wakhti xasaasiya oo khilaaf ka taaganyahay qabsoomidda Shirka Arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho.

PUNTLAND POST