
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Beesha Caalamka qaarkeed ay ku xadgudbeen arrimaha gudaha iyo madax-bannaanida shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Dubbe ayaa tilmaamay in qoraallo ay soo saareen danjireyaasha Beesha Caalamka qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda diblumaasiyadeed ee caalamka.
“Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan. Waxaa jira danjireyaal u soo dira dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed farriimo aan waafaqsanayn shuruucda caalammiga ah, kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka, ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin.” ayuu yiri Wasiir Dubbe.
Dhanka kale, Wasiir Dubbe ayaa ugu baaqay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka maalintii saddexaad ka socda xarunta Afisyoone ee Muqdisho.
Hoos ka daawo wasiirka oo ka hadlaya arrimahaas iyo kuwo kale.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.