Cabdirashiid Janan: Waa dhammaatay colaadii Gedo

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) iyo ciidamo uu wato ayaa maanta gelinkii dambe lagu soo dhaweeyay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo ay hogaaminayaan wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayna wehliyaan saraakiil kale ayaa duleedka degmada Baladxaawo ku soo dhaweeyay Cabdirashiid Janan oo dowladda isku dhiibay kadib wadahadal dhexmaray.

Cabdirashiid Janan oo bartamaha magaalada Baladxaawo kula hadlay boqolaal qof oo ka qeybqaatay soo dhaweyntiisa ayaa sheegay in uu u tanaasulay danta dadka iyo dalka.

Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay in ay dhammaatay colaaddii ka jirtay Gedo ee u dhaxaysay Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

Cabdirashiid Janan ayaa sheeganaya wasiirka amniga Jubaland, iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe sheegay in uu xilkaas ka qaaday.

Hadal-jeedintii Janan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu eedeysay Cabdirashiid Janan danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International oo horay ugu baaqday in la xiro Cabdirashiid Janan oo caddaalad la marsiiyo, ayaa maanta markale Dowladda Federaalka ugu baaqday in ay xaqiijiso in caddaaladda la horgeeyo Cabdirashiid Janan.

PUNTLAND POST