Beesha Caalamka oo ka digtay in mudda kordhin loo sameeyo dowladda Federaalka Soomaaliya

Beesha Caalamka ayaa si cad u diiday in wax mudda kordhin ah loo sameeyo Golayaasha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

War Qoraal ah oo maanta ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Saaxiibada Beesha Caalamku aysan marnaba taageeri doonin tallaabo kasta oo mudda kordhin loogu sameeyo dowladda Federaalka.

Qoraalka UNSOM,  waxaa lagu xaqiijiyay in Beesha Caalamku aysan sidoo kale taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac qabto  iyo mid isbarbar socda oo aan heshiis lagu ahayn.

in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hore.”

Saaxiibada Beesha Caalamku, waxay hoggaamiyaasha Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay sii wadaan kulamada aan rasmiga ahayn ee lagu xallinayo muranka doorashooyinka si heshiis dhammaystiran looga gaaro Arrimaha doorashooyinkaas.

PUNTLAND POST