
Maalintii labaad waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Afisyoone shir ku yeeshay dowladda federaalka, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, waxaana shirkaas weli bannaanla ka jooga Puntland iyo Jubaland.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta warbixin ka dhageystay guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka.

Kusimaha guddoomiyaha guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha ay ka soo saareen guddigu shirkii talo-soojeedinta arrimaha farsamada doorashooyinka ee magaalada Baydhabo ka dhacay 15-16 Febraayo.
Guddiga ayaa la wadaagay madaxdii ka qeybgashay shirka nuxurka talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey.
Guddiga farsamada doorashooyinka waxaa ka maqnaa xubnihii matalayay Puntland iyo Jubaland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xubnaha guddig heer federaal, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystirayo qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen labada gole ee baarlamaanka.
Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha gowlad goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku dhiirrigeliyey xubnaha guddiga darsamada arrimaha doorashooyinka in ay si daahfuran ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan heshiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey.
Hoos ka daawo shir jaraa’id oo qabtay Wasiir Dubbe
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.