Maraykanka oo ku baaqay in shuruud la’aan laga qayb-galo Shirka Arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqday, in uu xaqiijiyo in si buuxda looga wada-qayb galo shirka xallinta muranka  arrimaha doorashooyinka.

Qoraal kooban oo la soo geliyay barta Twitter-ka Safaaradda, ayaa sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada loogu baaqay in ay shirka ka qayb-galaan, iyagoo aan wax shuruud ah ku xirin.

Baaqa Maraykanka ayaa ku soo beegmay, xilli uu maalintii labaad xarunta Afisyooni ee Muqdisho ka socdo shir u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada taageersan.

Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada taageersan, waxa shirka ku weheliya maamulka gobolka Banaadir, waxaana kulanka ka maqan Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo shuruud ku xiray ka qayb-galka Shirka.

PUNTLAND POST