Guddoomiyaha Howlwadaag oo “qorshaynaya inuu biyo ku soo leexiyo” waddo u dhow dugsigii Xamar Jadiid

Muqdisho (Wararka PP) — Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Mustaf Cali Kheyre ayaa qorsheynaya inuu fududeeyo in biyo fadhiya Jidka Soddonka lagu soo daayo waddo gees marta dugsigii hoose ee Xamar Jadiid tagtana masaajidka Suuqa Bakaaraha.

Biyaha fadhiya Jidka Soddonka oo la rabo in lagu soo leexiyo waddo tagta Suuqa Bakaaraha.

Guddoomiyaha oo muddo ka warwareegyaya inuu booyado biyaha roobka nuuga keeno ayaa hadda u nuglaaday caadadis kaga yimid dad aan doonayn in biyaha la mariyo meeshii la marin jiray marka roob uu da’o.

Isu soo bax ayaa sanadkii hore ka hor istaagay go’aan biyaha fadhiya jidka loogu soo leexin lahaa waddada hadda lala doonayo in loo adeegsado qorshaha dhib u keeni kara hantida qoysas badan.

Mustafa Cali Kheyre oo u nuglaaday cadaadiska ganacsatada Jidka Soddonka oo raba in biyaha roobka lagu soo leexiyo waddo tagta Suuqa Bakaaraha.

“Dowladda Hoose ee Muqdisho oo heli karta inay keento booyado biyaha nuuga waxay hadda ku talojirtaa inay ku taageerto Mustaf Cali Kheye go’aanka uu biyaha ugu soo leexinayo waddo ka mid ah waddooyinka degmada Howlwadaag. Waxaan ka codsanayaa Duqa Magaalada Muqdisho inuu ka hortago go’aan fatahaad qorsheysan lagu samaynayo oo saameyn doona qoysas badan” ayuu Puntland Post u sheegay Cabdirisaaq Axmed oo ka mid ah odayaasha ka hor yimid qorshaha.

© Puntland Post, 2021