Dowladda Sacudi Carabi, ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqaday in ay waddo qorshe ay heshiis xabad joojin ah kula galaysa, kooxda fallaagada Yemen ee Xutiyiinta ah.
Isagoo la hadlayey Wariyeyaasha, Wasiirka Arrimaha debbada dalkaas, Feysal bin Farxan Al-sacud ayaa sheegay in qorshahan loo jeediyey Xutiyiinta tahay aragti fog oo xal u noqon karta khilaafka oo dhan, kaasi oo suura-gelinaya in la furo Eerboorka Sanca ee dalka Yemen ee ay Xutiyiinta gacanta ku hayaan.
“Waxa uu heshiiskan taaba gal noqonayaa marka ay Xutiyiinta aqbalaan, Xutiyiinta waa in ay ka hormariyaan danahooda, danaha Iiraan”, Wasiirka.
Haddii ay heshiiska aqbalaan Xutiyiinta waxa ay dhaha u xaari doonta in ay galaan wada-hadalo siyaasadeed oo lagu soo af-jaro dagaalada mudada qaatay ee dalkaasi ka jira.
PUNTLAND POST