Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, oo haatan shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa faahfaahin ka bixiyay Shir hor dhac ah oo maanta xarunta Afisyooni ku dhexmaray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada taageersan, oo uu weheliyo maamulka Gobolka Banaadir.
Shirka waxa ka qayb-galay madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Wasiir Dubbe ayaa sheegay in kulanka hordhac ee maanta uu furitaan u ahaa shir ku saabsan Arrimaha doorashooyinka, oo la filayo in uu ka qabsoomo xarunta Afisyooni, isagoo ka rajeeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland in ay ka soo qayb-galaan Shirka guud.
PUNTLAND POST