Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada taageersan oo shir uga furmay xarunta Afisyooni ee Muqdisho

Xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaa hadda ka furmay shir u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada taageersan, oo uu weheliyo maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka waxa ka qayb-galay madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa la xaqiijiyay in ay ka baaqdeen Shirka maanta bilowday ,kaas oo uu maalmo ka hor iclaamiyay madaxweyne Farmaajo, si loo xalliyo muran ka aloosan Arrimaha doorashooyinka dalka.

Xukuumadda Puntland ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku sheegtay in aysan ka qayb-geli doonin Shirka maadaama sida ay tilmaantay aan lagala tashan Ajandaha Shirka.

PUNTLAND POST