
Odayaasha iyo Waxgaradka magaalada Badhan, ayaa markii u horraysay ka hadlay weerarkii Somaliland maalin ka hor ku qaadday Degaanka Shidan ee Gobolka Sanaag.
Waxgaradka iyo Odayaasha ayaa ku baaqay in la difaaco dadka Rayidka ah ee ku nool Shidan, kadib markii Ciidanka Badda Somaliland ay halkaas ka gaysteen weerar sababay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac.
Odayaasha ayaa sheegay in aysan jirin Nabad dambe oo laga wada-hadlaa, maadaama Somaliland ay jebisay Heshiiskii hore ee Nabadda Degaanka, islamarkaana si cad u weerartay Shacab aan waxba galabsan.
Sidoo kale, Odayaasha ayaa sheegay in Shacabka Degaankaas laga difaaci doono weerarka Somaliland.
Halkaan ka daawo Muuqaalka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.