Ciidamada Somaliland oo dad rayid ah ka soo qabtay degaanka Shidan ee Gobolka Sanaag

Ciidamada Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Ceerigaabo gaarsiiyay 17 qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ka qabteen degaanka Shidan ee waqooyiga Gobolka Sanaag.

Maxaabiista ayaa lagu soo qabtay dagaal ciidamada Somaliland iyo dad shacab ah ku dhexmaray degaanka Shidan, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa lix ruux oo rayid ah, halka tiro kalena ay ku dhaawaceen, sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Maxaabiista Rayidka ah ee laga soo qabtay Shidan ayaa loo gudbiyay xabsiga weyn ee magaalada Ceerigaabo, waxaana la xaqiijiyay in maxaabiista uu ku jiro qof dhaawac ah.

Dagaalka Shidan ayaa la sheegaa in uu ku salaysan yahay macdan qodis, ay ka horyimaadeen shacabka degaanka ee ka soo jeeda dhinaca Puntland.

PUNTLAND POST