Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay Amniga Goobta lagu qaban doono Shirka Arrimaha Doorashooyinka ee Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Francisco Madiera ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay mas’uul ka yihiin Amniga xarunta AFISYOONI ee Shirka lagu qabanayo.
Ambassador Madiera ayaa caddeeyay in AMISOM ay dammaanad-qaad ka yihiin Xaqiijinta Amniga xarunta AFISYOONI Shirka ka hor iyo kadib, islamarkaana la dhammaystiray Shaqadii Guddiga Amniga u qaabilsan Shirka.
Wuxu sheegay in AMISOM ay dhammaan dhinacyada kala shaqaynayso in Shirka AFISYOONI ku qabsoomo hannaan xasiloon iyo jawi ammaan ah oo lagu kalsoonyahay.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.