
Xiisad colaadeed ayaa weli ka aloosan degaanka Shidan ee waqooyiga Gobolka Sanaag, halkaas oo uu shalay ka dhacay dagaal gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Ilaa lix ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkii shalay, kadib markii ciidanka badda Somaliland iyo malayshiya-beeleed is garabsanaya ay weerar xooggan ku qaadeen degaankaas Shidan.
Dagaalka ayaa ku salaysan dhul ballaarsi iyo macdan qodis Somaliland ka waddo Shidan iyo nawaaxigeeda, taas oo ay ka horyimaadeen shacabka degaanka ee ka soo jeeda dhinaca Puntland.
Dagaalka ayaa dib u qarxay kadib markii Somaliland ay horraantii bishan macdan qodis ka bilowday degaanka oo mudda sanado ah ay ka jirtay colaad u dhexaysa laba beelood.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.