
Xukuumadda Puntland ayaan weli ka hadlin weerarkii khasaaraha dhaliyay ee shalay Somaliland ku qaadday degaanka Shidan iyo xiisadda colaadeed ee haatan ka taagan degaankaas.
Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, waxa ku sugan wasiiro iyo taliyaal ciidan oo ka tirsan Puntland, balse ma jiro hal mas’uul oo weli ka hadlay ama ka tacsiyeeyay shacabka lagu laayay weerarkii Shidan.
Mas’uuliyiinta Badhan jooga waxa kamid ah wasiirada Amniga iyo Maaliyadda Puntland, oo ay weheliyaan Taliyaha ciidanka difaaca iyo saraakiil kale.
Dad badan ayaa su’aalo iska weydiinaya sababta Puntland uga jawaabi wayday weerarka ama xataa uga tacsiyayn wayday khasaarihii loo gaystay shacabka ku dhaqan Shidan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.