Khasaare ka dhashay iska hor-imaad ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad kooban oo goor dhoweyd waqooyiga Gaalkacyo ku dhexmaray Ciidanka Booliiska dowladda Puntland iyo Cabtooy hubaysan.

Iska hor-imaadka ayaa Ciidanka iyo Cabtooyda ku dhexmaray nawaaxiga Xerada Kabidda ee waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo dableyda hubaysan ay ku iibinayeen dhalooyin khamri ah.

Ciidanka ayaa doonayay in ay gacanta ku dhigaan Cabtooyda, balse uma suurta-gelin, waxaana halkaas ku dhintay nin la sheegay in uu Khamri iibinayay, halka ay ku dhaawacmeen saddex askari iyo qof shacab ah.

Ciidanka Booliiska ayaa weli hawlgal ka wada xaafadda si gacanta loogu dhigo kooxo cabtooy ah oo dib ugu soo laabtay xaafaddaas.

PUNTLAND POST