
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xalay lagu soo weeraray hoygiisa islamarkaana uusan ka qayb-geli doonin Shirka la qorsheeyay in uu berri ka furmo xarunta AFISYONI ee Muqdisho.
“Shirka berri furmayo ilaa hadda wax arsmi oo aan ognahay oo hadda u fadhino ma jirto” ayuu yiri Siciid Deni.
Madaxweyne Deni oo wareysi gaar ah Galabta siiyay BBC-da ayaa sheegay in xalay dowladda Federaalku ay dhinac kasta ciidan ka dhigtay xaruntii Beesha Caalamku ay ku marti-qaaday oo la doonayay in Shirka Muqdisho ka furmo.
“Maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay Ammisom tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da.”
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.