
Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Ugaandha uga tacsiyaysay Libaaxyo ku dhintay gudaha dalkaas.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland, ayay kaga tacsiyaysay Geerida lixdaas libaax, inkastoo aysan sheegin sababta keentay dhimashadooda.
“Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland waxay ummada bariga africa gaar ahaan shacabka Uganda uga tacsiyeynaysaa dhimashada 6 libaax.”
Wasaaraddu waxay sheegtay in dhimashada Libaaxyadaas ay sii kordhinayso hoos u dhaca kala duwanaanta noolaha iyo dheelli-tir la’aanta degaanka.
Waxa xusid mudan 27 February 2021, gudaha xarunta wasaaradda Degaanka Puntland si arxan-darro ah loogu dhex dilay Haramcad yar oo halkaas ku noolaa, islamarkaana aysan wasaaraddu weli ka hadlin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.