Biyo la’aanta gobolka Gedo
Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si adag ugu cambaaraysay abaabul dagaal, oo sida ay sheegtay Madaxweyne Farmaajo ka wado Gobolka Gedo, halkaas oo ay ka jirto xaalad banii’aadanimo oo ka dhalatay Abaarta.
Jubaland waxay sheegtay in Dowladda Federaalku ay shalay hub iyo gaadiid dagaal ku daabushay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, xilli Shacabka ku nool Gobolkaas ay la il-daran yihiin abaar iyo biya la’aan daran.
DFS ayaa shalay ciidan iyo gaadiid ka dejisay Gedo
Jubaland ayaa caddaysay in Madaxweyne Farmaajo mas’uul ka noqon doono wixii ka dhasha abaabulka ciidan ee uu ka wado Gobolka Gedo.
Ugu dambayntii, waxay sheegtay in baaq kasta oo colaad lagu joojin karay ay Jubaland hore u jeedisay balse laga qaadan waayay.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.