Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in Shirka Arrimaha Doorashada Xalane lagu qaban doono

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa si rasmiya u xaqiijiyay in shirka arrimaha doorashada lagu qaban doono xarunta Afisyooni ee Muqdisho.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay hirgelinta arrimaha doorashada, islamarkaana shirkan lagu xallin doono muranka weli ka taagan hannaanka doorashada dalka.

Cismaan Abukar Dubbe, wuxu sidoo kale tilmaamay in shirka ay caqabad ku yihiin siyaasiyiinta ku midoobay Golaha Badbaado Qaran, oo sida uu sheegay aan doonayn in xal lagu dhammeeyo khilaafka ka taagan doorashada.

Ugu dambayntii, Wasiir Dubbe ayaa xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay meel kasta oo lagu qabto shirka ku saabsan arrimaha doorashada dalka, si ay dalka uga qabsoonto doorasho heshiis lagu yahay.

PUNTLAND POST