Xasan Abgaal: waxa si buuxda loo qalabeeyay Ciidamada oo sadex jibaar loo kordhiyay Mushaharka

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, oo hadal ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland, ayaa sheegay in dowladdu mas’uuliyad weyn iska saartay bixinta xuquuqda iyo mushaharka ciidamada kala duwan.

Wasiir Abgaal ayaa sheegay in dhammaan Ciidamada Puntland si dhammaystiran loo qalabeeyay, islamarkaana saddex jibbaar loo kordhiyay mushaharka iyo xuquuqdooda kale, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalka.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in askari kasta oo ka tirsan Ciidamada laga doonayo, in uu si buuxda u guto waajibaadka kaga aaddan difaaca Puntland, isagoo ballan-qaaday in askari kasta dowladda ka heli doono daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Waxaan ballan-qaadaynaa ka dhaawacma in aan caafimaadkiisa iyo dawadiisa ka shaqayno, haddii ay kalliftana aan diyaarado u qabanayno oo dhaqtar meeshan doono ugu gaynayno” ayuu yiri wasiirk Xasan Abgaal.

Hoos ka daawo Hadalkiisa

PUNTLAND POST