
Mareykanka ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay jaahwareerka doorashooyinka Soomaaliya oo abuuri kara hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu yiri “Mareykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, taasoo abuureysa hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka”.
Mareykanku wuxuu ka codsaday madaxda Soomaaliya in ay ilaaliyaan mustaqbalka dalka oo ay gaaraan heshiis si dhakhso leh loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.
“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya in ay dhinac iska dhigaan ujeeddooyinka siyaasadeed ee gaarka ah, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, ayna oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Mareykanku wuxuu xusay in uu taageersan yahay xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay ku mudaharaadaan si nabad ah oo ay ka horyimaadaan fikirka koox kasta.
Wuxuu tilmaamay Mareykanku in caqabada hada ka jira Soomaaliya ay wiiqayaan wadada loo marayo cafinta deynta oo dhameystiran iyo la dagaalanka argagixisada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.