Colaad ka aloosnayd Gobolka Mudug oo heshiis Nabadeed lagu dhammeeyay

Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug u qaabilsan  Puntland iyo Galmudug, ayaa ku guulaystay in ay heshiis nabadeed dhex-dhigaan xoola-dhaqato ka soo kala jeeda labada dhinac.

Guddoomiyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta degmada Gaalkacyo ee labada dhinac iyo saraakiil ciidan, ayaa ka shaqeeyay hirgelinta Heshiiskaas nabadeed.

Kulan maanta oo Jimce ah ka qabsoomay Degaanka Bukhraas, oo dhanka bari ka xiga Gaalkacyo, kaas oo ay ka qayb-galeen Odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, ayaa looga dhawaaqay Heshiiska.

Dhinacyada ayaa ku ballamay in 22-ka bishan March 2021 Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo lagu dhammaystiro Heshiiska, islamarkaana si rasmiya loo dhaqan-geliyo.

Degaanka Bukhraas ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ka aloosanaa colaad u dhexaysa Xoola-dhaqatada labada dhinac, taas oo ugu dambayn maanta la xalliyay.

PUNTLAND POST