
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa maanta magalada Badhan ee gobolka Sanaag tababar ugu soo xiray dufcadii 2aad ee ciidamada daraawiishta oo ka baxay dugsiga General Giriin ee degmadaas.
Munaasabada tababarka ciidamada loogu soo xirayay waxaay ka qeybgalay guddoomiyaha gudiga dib u habeynta ciidamada ahna wasiirka Maalyadda Xasan Shire Abgaal, wasiirka amniga Cabdisamad Maxamed Gallan, taliyaha ciidamadda daraawishta Gen. Yaasiin Cumar Dheer, xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland, maamulka gobolka Sanaag, kan dagmada iyo sarakiil kale.

Mas’uuliyiinta ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamadda tababarka loo soo xiray, kadibna ciidamada ayaa halkaasi ku soo bandhigay casharadii la baray.
Maamulka dugsiga ayaa ka warbixiyay marxaladii kala duwanaa ee ay soo mareen ciidamaddu.

Guddooyimaha Guddiga dib u habeeynta ciidamada ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliayadda Xasan Abgaal oo ka hadlay munasabadii xiritaanka tababarka ayaa maamulka dugsiga ku amaanay qaabka wanaagsan ee ciidamadda ay u carbiyeen.
Dhinaca kale wasiirka maaliyadda Puntland ayaa sheegay in ciidamadda mushaaraadkooda la gaarsiiyay heerkii uga saaray.
Wasiirka amniga Puntland Cabdisamed Maxamed Gallan iyo taliyaha ciidamada daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar dheer ayaa aaraakiisha iyo macalimiinta ku bogaadiyey shaqada ay qabteen.






PUNTALAND POST
You must be logged in to post a comment.