Madaxweynihii Tanzania John Magufuli oo geeriyooday

Madaxweynihii waddanka Tanzania John Magufuli ayaa xalay geeriyooday, sida ay xaqiijisay Samia Suluhu Hassan oo ah madaxweyne ku xigeenka dalkaas.

Waxay sheegtay Samia Suluhu in madaxweyne Magufuli uu k u geeriyooday Isbitaal ku yaal Dar es Salaam oo uu ku jiray ilaa 6-dii bishan March.

Sadexdii todobaad ee la soo dhaafay Magufuli muuqaalkiisa lama arag, iyadoo ay jirtay hadal heynta ah inuu geeriyooday.

Magufuli oo da’diisu ahayd 61-jir, ayaa u geeriyooday wadne xanuun, sida ay sheegtay madaxweyne ku xigeenka Tanzania, Samia Suluhu.

PUNTLAND POST