
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii waddanka Tanzania, John Pombe Magufuli oo xalay ku geeriyooday magaalada Dar es Salaam.
Madaxweyne Farmaaj,o ayaa dhammaan shacabka iyo dowladda dalka Tanzania uga tacsiyeeyay geerida Mr Magufuli, oo sida la xaqiijiyay u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah.
“Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray shacabka iyo dowladda dalka Tansaaniya geerida ku timid Madaxweynihii dalkaas Mudane John Pombe Magufuli.”
Mudane Farmaaj,o ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay madaxweyne ku xigeenka Tanzania, Suluhu Samia iyo marwada madaxweynihii geeriyooday ee dalka haweeneyda lagu magacaabo Janet Magufuli.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.