Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo kulan gaar ah la yeeshay Midowga Murashixiinta Muqdisho

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay hoyga uu ka deganyahay Muqdisho wuxu casho sharaf ugu sameeyay xubno ka tirsan Midowga Murashixiinta Muqdisho.

Madaxweyne Qoor Qoor oo uu weheliyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa intaas kadib kulan gaar ah la yeeshay xubnaha Midowga Murashixiinta mucaaradsan Villa Somalia.

Kulankan oo hordhac u ahaa Shirka Arrimaha Doorashada ee la filayo in uu maalmaha soo socda Muqdisho ka furmo waxa labada dhinac uga wada-hadleen xallinta muranka siyaasadeed ee ka taagan hirgelinta Doorashada.

PUNTLAND POST