Ciidamada Puntland oo sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada Puntland ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Buuraleyda Golis ee Gobolka Bari, waxay ku dileen dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka PMPF.

Hawlgalkaas oo ay saacadihii u dambeeyay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland, waxa lagu dilay xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab, inkastoo aan tiradooda la xusin.

Sidoo kale, waxaa Al-shabaab hawlgalka looga furtay hub nooca fudud ah iyo qalab kale, oo ay u isticmaali jireen dagaalka, sida ay sheegeen PMPF. Ma jiro war madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada ciidamada Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa hawlgalo xiriir ah ka wada Buuraleyda Gobolka Bari, kadib weerarkii dhowaan lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso.

PUNTLAND POST