Wiil Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka

Wiil Soomaaliyeed, oo wade ka ahaa gaari nooca xamuulka qaada ah, ayaa xalay lagu dilay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka.

Marxuumka ayaa lagu dilay suuqa Village Market ( Mall 24) ee magaalada Minneapolis, waxaana sida la sheegay dilay nin kale oo muran dhexmaray, inkastoo aysan Booliisku weli war dhammaystiran ka soo saarin dilkiisa.

Booliiska Minneapolis, ayaa laga soo xigtay in ay baaritaan ku wadaan dilka xalay loo gaystay wiilkan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu koobay Xamse.

Bilihii u dambeeyay waxa Gobolka Minnesota ee Soomaalidu ku badan tahay, gaar ahaanna magaalada Minneapolis ka dhacay dilal kala duwan oo loo gaystay dhalinyaro Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST