
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maalmihii lasoo dhaafay safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Qoorqoor waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan goleyaasha dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa in uu ka qeybgalo shirka doorashada ee maalmaha soo socda ka furmaya Muqdisho.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo safar dibada ah ku maqan ayaa isagu weli soo gaarin Muqdisho.







PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.