Madaxweyne Farmaajo oo qaatay tallaalka Covid-19

Maanta oo Talaado ah ayaa gudaha Soomaaliya laga bilaabay tallaalka Covid-19 oo shalay soo gaaray.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Soomaaliya Drs Fawsiya Abiikar Nuur ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee lagu bilaabay tallaalka ka hortaga Caabuqa Covid-19 ee AstraZeneca.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay tallaalka oo maanta laga bilaabay magaalada Muqdisho.

Dowlad goboleedyada dalka ayaa igana maanta loo kala diray talaalka Covid-19.

PUNTLAND POST