Sarkaal ka tirsan Laanta dambi-baarista Puntland ee C.I.D, ayaa saaka oo Talaado ah ka badbaaday qarax lala beegsaday gaarigiisa xilli uu marayay bartamaha magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga.
Sarkaalkan oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxa la xaqiijiyay in uu ka badbaaday qaraxa, inkastoo Qaraxaas uu burbur gaarsiiyay gaarigiisa.
Laamaha Amniga Gaalkacyo weli faahfaahin kama bixin Qaraxa lala eegtay sarkaalka, oo magaciisa lagu sheegay Warsame Yuusuf Axmed (Yeey).
Waxa xusid mudan, in saraakiil ka tirsan Booliiska oo Puntland Post xiriir la samaysay ay ku gaabsadeen in baaritaan lagu wado dhacdadan, islamarkaana aysan hadda ka hadli Karin.
PUNTLAND POST