
Ciidamada difaaca dowladda Puntland, ayaa shaaciyay in ay maanta dib u soo furteen maxaabiis badan oo Al-shabaab kala baxday xabsiga weyn ee Boosaaso.
Qoraal ka soo baxay Ciidanka xoogga Puntland ee PSF, ayay ku sheegeen in ay dib u soo furteen intii badnayd maxaabiistii laga fakiyay xabsiga Boosaaso, kadib markii Al-shabaab dhowaan halkaas weerartay.
“Ciidanku waxay ku guulaysteen in ay dib u soo qabqabtaan intii badnayd maxaabiistii falalka argagixisanimo ku eedaysnaa ee fakaday.” Ayaa lagu yiri qoraalkaas.
Sidoo kale, Waxa qoraalka lagu xusay in ciidanku ay wadaan hawlgal lagu baacsanayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.