
Waxaa maanta markii ugu horreysay Soomaaliya la soo gaarsiiyay qeybtii koobaad ee tallaalka Covid-19, kaas oo ah 300,000 oo kuuro oo loogu talagalay shaqaalaha safka hore iyo dadka u nugul xanuunkan.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Fawsiya Abiikar Nuur iyo Wakiilka Qaramada Madoobey, James Swan ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda imaanshaha tallaalka Covid-19 oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaalka berri la bilaabi doono isticmaalkiisa, laguna horreysiin doono shaqaalaha caafimaadka ee la dagaalamaya Covid-19 iyo dadka cudurada u saaxiibka ah.
Dhanka kale Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa sheegay in cudurka wali halis weyn yahay ,isla markaana loo baahan yahay in shaqaalaha caafimaadka iyo dadka nugul qaataan tallaalka feejignaantana la sii wado, si loo xakameeyo feyraska.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.