Maxkamada ICJ oo mar kale maanta bilaabaysa dhegaysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, ayaa maanta mar kale bilaabi doonta dhegaysiga dacwadda ku saabsan kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya.

Wareega kowaad ee dhegaysiga dacwadda, ayaa sida qorshaysan bilaaban doona 3 p.m. ee Galabta oo Isniin ah, inkastoo Kenya ka baxday dhegaysiga kiiskan.

Dowladda kenya oo marar kala duwan Maxkamadda ka codsatay in dhegaysiga dib loo dhigo, ayaa markii u dambaysay laga diiday codsigeeda, taas oo keentay in ay ka baxdo dhegaysiga dacwadda.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya aya si buuxda uga qayb-gelaysa dhegaysiga kiiska, iyadoo halkaas u dirtay wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn isha ugu haya dhegaysiga dacwaddan ku saabsan kiiska badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya.

PUNTLAND POST