Maxay ka wada-hadleen Deni iyo Yamamoto?

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Madaxweyne Deni ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay safiirka Maraykanka, halkaas oo ay kulan gaar ah ku yeesheen labada mas’uul.

Kulanka waxa looga hadlay xallinta khilaafka ka aloosan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Waxa kale oo kulanka looga hadlay arrimaha shirka ku saabsan doorashooyinka oo la filayo in uu maalmaha soo socda Muqdisho ku dhexmaro dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST