
Dowladda Cumaan ayaa sheegtay, in ay dalkeeda ka xayirtay app-ka codka ah ee Mareykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Clubhouse.
Mas’uuliyiinta dalka Cumaan, ayaa laga soo xigtay in App-kaas uusan ogolaansho ka haysan dowladda, sidaas darteedna loo xayiray.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladdu aysan ka jawaabin codsi ah in ay faahfaahiso go’aankan.
Hase yeeshee, sarkaalka u sarreeya Hay’adda Isgaarsiinta Cumaan ayaa u sheegay warbaahinta in app-ka loo xannibay ruqsad-la’aan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.