
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa maanta oo Axad ah si rasmiya u shaaciyay wakhtiga la bilaabi doono diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddex degmo, oo laga qaban doono Doorashooyinka Golayaasha Degaanka oo hordhac ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa lagu go’aamiyay in diiwaan-gelinta Codbixiyaasha degmooyinkaa la bilaabo 16-ka bisha May ee sannadkan 2021, islamarkaana ay socoto ilaa 29-ka bishaas May.
Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn oo ka kala tirsan Karkaar, Nugaal iyo Bari ayaa la doonayaa in laga qabto Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland oo tijaabo ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Guddiga.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.