
Murashax Daahir Maxamuud Geelle, oo kamid ah Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa soo bandhigay saddex tilmaamood oo xun, kuwaas oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo leeyahay.
“Xabbad la rido xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo wax aan ahayn kuma ogi, kumana aqaan walaalkeey Farmaajo, saddexdaana waa waxa kalsoonidii dilay.” Ayuu yiri Murashax Geelle.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu sidoo kale ku sheegay in loo baahanyahay wada-hadal nabad iyo heshiis ku dhammaada doorasho xor iyo xalaal ah, sidaas darteedna Madaxweyne Farmaajo laga doonayo in uu joojiyo diidmada Wada-hadalka.
“Maanta waxaa nala siman wada hadal nabad ah iyo heshiis ku dhammaada doorasho xor iyo xalaal ah ee walaalow diidmada miiska wadahadalka, iyo carqaladaynta geedi socodka nabadda jooji. Annaga waxaan rabnaa inaan qayb ka noqonno dadaal hufan iyo tartan doorasho oo laysku halayn karo leh jiheeye akhlaaqeed (moral compass).”
Hadalka Murashax Geelle ayaa ku soo beegmay, xilli la filayo in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka furmo shir ku saabsan xallinta Muranka Arrimaha Doorashooyinka oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.