Qarax ka dhacay meel u dhow xerada Afisyooni

Cumar Cabdiraxmaan Xaaji

Qarax miino ayaa goordhaweyd ka dhacay meel u dhow albaabka xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Miinada ayaa lala eegtay gaari uu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya oo lagu magacaabo Cumar Cabdiraxmaan Xaaji, kaas oo dhaawac ka soo gaaray.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay inta la ogyahay ilaa labo askari oo kamid ahaa askar la socotay sarkaalka miinada lala eegtay.

Xerada Afisyooni ee agagaarkeeda qaraxu ka dhacay waxaa ammaankeeda ilaaliya ciidamada AMISOM.

Xerada Afisyooni ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka dhaco shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayo doorashada Soomaaliya.

PUNTLAND POST