Murashax xildhibaan Eng Kayse oo si weyn loogu soo dhoweeyay Garoowe

Eng Maxamed Cabdullaahi Kayse, oo u taagan murashax xildhibaan ka tirsan Golaha Shacaka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya si weyn loogu soo dhoweeyay caasimadda Garoowe.

Murashax Eng Kayse, waxa Garoowe ku soo dhoweeyay  dad  isu’gu jira Aqoonyahanno, siyaasiyiin, Ganacsatado, Cuqaal, waxgarad, Ururada Haweenka, kooxaha Fanka,  dhalinyaro iyo dadweyne kale oo isaga yimid xaafadaha caasimadda.

Murashaxa oo soo dhowayntiisa kadib warbaahinta la hadlay, ayaa aad ugu mahadceliyay dhammaan dadweynaha soo dhoweeyay, waxaana uu ballan-qaaday in uu matalaad dhab ah ka muujin doono, haddii uu kursigaas ku guulaysto.

Sidoo kale, Qayaba kala duwan ee Bulshadii soo dhowaysay Eng Kayse  ayaa bogaadiyay murashaxnimadiisa kursiga Golaha Shacabka, iyagoo ku tilmaamay aqoonyahan da’yar oo si dhab ah uga soo bixi kara xilkaas.

Halkaan ka eeg Sawirada

PUNTLAND POST