Madaxweyne Deni oo ku wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa todobaadkan ku wajahan magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qab-galayo shir ku saabsan xallinta muranka ka taagan arrimaha doorashada dalka.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isna wakhtigan ku sugan Muqdisho, kadib markii uu garaay todobaadkii hore.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo haatan ku sugan Turkiga ayaa dhankooda la sugaya in ay maalmaha soo socda dib ugu laabtaan Muqdisho.

Shirka la filayo in uu todobaadkan ka dhaco Muqdisho, oo ay gar-wadeen ka tahay Beesha Caalamka, ayaa la doonaya in lagu xalliyo muranka taagan, si loo qabto doorasho nabdoon oo heshiis lagu yahay.

PUNTLAND POST