
Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta ka guddoomay waraaqda aqoonsiga wakiil Imaaraadka u soo magacowday Somaliland.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Muuse Biiixi waraaaqaha aqoonsiga ka guddoomay Abdulla Alnaqbi oo ah Wakiilka Imaaraadka Carabtu u soo magacowday Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland wakiilka Imaaraadka xog ka siiyey hannaanka dimuquraadiyada iyo doorashooyinka la qorsheeyey inay Somaliland ka qabsoomaan sannadkan 2021ka.
Muuse Biixi ayaa magacaabista Wakiil Imaaraadka ku tilmaamay mid dhidibada u sii adkanaysa wadashaqaynta Somaliland iyo Imaaraadka.
Imaaraadka Carabta ayaa horey Somaliland ula galay heshiisyo ay kamid yihiin dekedda Berbera.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.