
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cabdinuur Cabdi iyo wafdi la socda ayaa gaaray Caasimadda dalka Ciraaq ee Bagdaad.
Wasiirka Waxa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaas Ciraaq Eng. Mahdi Rashid Al-Hamdani.
Wafdiga Wasiirka ayaa ka helay martiqaad rasmi ah Wasiirka Biyaha Ciraaq si uu uga qeyb galo shirkii 1-aad ee Biyaha Caalamiga ah ee Baqdaad.
Wasiirka ayaa inta uu booqashada ku joogo magaalada Bagdaad waxa uu kulamo la yeelan doona madaxda Wasaaradda biyaha Ciraaq, iyagoo ka wada hadlaya iskaashiga Dhanka Maaraynta kheyraadka Biyaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.