Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay Gudoomiyaha Aqalka sare

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xal u helidda muranka Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya iyo shirka ku saabsan Doorashada oo la filayo in uu dhowaan ka qabsoomo Muqdisho.

Shirka oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir waxaa lagu turxaan-bixin doona Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee 17-kii September.

Madaxweynahu wuxuu tan iyo markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho waday dadaal la xiriira arimaha Doorashada, isagoo kulamo la qaatay dhinacyada ay qusayso taas oo gogol xaar u ah shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST