
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa maanta oo Khamiis ah kulan gaar ah la yeeshay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto.
Kulanka labada mas’uul wuxu ka qabsoomay hooyga madaxweyne Axmed Madoobe ka degganyahay magaalada Muqdisho sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Jubaland.
Axmed Madoobe iyo Mr Yamamoto ayaa kulankooda uga wada-hadlay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo weli muran ka taaganyahay sida ay Jubaland sheegtay.
“Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii beesha caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd.”
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.