Puntland oo xabsiga dhigtay sarkaal sheegay in damiin laga rabo qof kasta oo ka safraya Garowe

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Aaden Jaamac (Degelle), ayaa amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo sarkaal ka tirsan Booliiska Puntland oo keligiis soo saaray awaamiir ku saabsan sugidda Amniga Garoowe, taas oo  aysan dowladdu ogayn.

Taliye Degelle ayaa amar ku bixiyay sheelada lagu tuuro Axmed Maxamuud Cali oo ku magacaaban Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo caasimadda Garoowe, kadib markii lagu eedeeyay in uu go’aan iskiis ah ku sheegay in qof kasta oo ka safraya Garoowe uu damiin keeno, si loo fasaxo safarkiisa.

Puntland Post waxay ogaatay in haatan sarkaalkaas ay xabsiga dhigeen Booliiska, kadib markii su’aalo laga weydiiyay amarka uu soo saaray, oo sida la sheegay keligiis ku koobnaa.

PUNTLAND POST