Ciidamada Milateriga Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab ku laayeen hawlgal qorshaysan, oo ay ka fuliyeen inta u dhexaysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobollada Shabeelooyinka.
Taliyaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen, Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta u sheegay in hawlgalkaas lagu dilay in ka badan 25 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, oo ay ku jiraan saraakiil sare sidoo kalena lagu dhaawacay ilaa 15 dagaallame.
“25 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo dagaalamayaal ayaan ku dilney howlgaladan waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 15 kalen, waxaana ka mid ah amiirkii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanadan,” ayuu yiri Gen Odowaa.
Sidoo kale, wuxu sheegay in ay Al-shabaab kala wareegeen dhawr degaan oo ka tirsan Gobollada Shabeelooyinka, halkaas oo haatan Ciidamadu gacanta ku hayaan. Hawlgalka waxa qayb ka ahaa duqaymo dhanka Cirka ah sida uu sheegay Gen Odowaa.
PUNTLAND POST