Duqii Boosaaso oo shaqada looga joojiyay tuhun musuqmaasuq

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Wareegto uu caawa soo saaray Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha degmada Boosaaso shaqada looga joojiyay eedaymo la xiriira ku dhaqan la’aan nidaamka maamulka dhaqaalaha ee Degmadda Boosaaso iyo cabashooyin ka yimid shacabka oo ay soo jeediysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Wareegtada madaxweynaha Puntland ayaa lagu faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta Degmadda Boosaaso.

Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso ayaa la faray in uu shaqada sii wado.

PUNTLAND POST